.: Home .: Warar .: News in English .: Opinion/Editorial .: Ra'yi/Tifaftir
.: World News
  .: Suugaan  .: Arrimo Bulsho .: Sport
XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Kooxda Mbagathi
1.C/lahi Yusuf
Cali Maxamed Geeddi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kooxda Mbagathi
2.Cali M. Gedi
Maxamed Qanyare Afrax, hoggaamiye kooxeedka xaafadda Dayniile ahna aas aasihii Isbaheysigii Sheydaanka
3.M. Qanyare
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) hoggaamiye kooxeedka gobolka Baay, haatanna Itoobiyaanka wakiil uga ah baarlamaanka Mbagathi
10. Madoobe
Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Kooxda Mbagathi, wuxuu haatan dagaallo ka abaabulayaa degmada Cadaado
11.G/dheere
Cali Mahdi Maxamed, hoggaamiye kooxeedkii 2aad ee ay Soomaaliya yeelato, wuxuu xasuuqay tobanaan kun oo u dhashay Muqdisho
12. C. Mahdi
 

Maxamuud Sayid Aadan, hoggaamiye kooxeedka gobolka Gedo. Shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee sanadkii 1996 Itoobiya ku casuumay in ay boqolaal shacab ah ku xasuuqdo gobolka Gedo.
19. Sayid
Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, shakhsi ku caan baxay isir naceyb iyo iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah
20. Waraabe
Cusmaan Xassan Cali (Caato) hoggaamiye kooxeedka koofurta Muqdisho
4.C. Caato
Cadde Muuse Xirsi, hoggaamiye kooxeed horay ula dagaalamay Cabdullaahi Yuusuf, haatanna ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
5.Cadde Muse
Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) hoggaamiye kooxeedkii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe, haatanna ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho ee Kooxda Mbagathi
6. M. Dheere
Muuse Suudi Yalaxow, hoggaamiye kooxeedka Waqooyiga Muqdisho, xubin kamid ah Isbaheysigii Sheydaanka
7. M. Suudi
Barre Aadan Shire (Hiiraale) hoggaamiye kooxeedkii Kismaayo, "Yuhuud ayaan u yeeranayaa" ayuu mar ku hadaaqay
8. B. Hiiraale
Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) gacan yarihii Cusmaan Caato, haatan taliyaha ciidanka booliska ee Kooxda Mbagathi
9.C.Qeybdiid
Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland. Shakhsigii abaabulay kana qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool. Dagaal ooge haatan u heelan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
13.Xaabsade
Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid), wuxuu hoggaamiye kooxeednimada ka dhaxlay aabihii Jeneraal Caydiid, Zenawi iyo C/laahi Yuusuf ayaa adeerro u ah
14.X. Caydiid
Daahir Rayaale Kaahin, madaxweynaha maamulka Somaliland, shakhsi dagaallo dad badan ku dhinteen ka aloosay gobolka Sool
15. Rayaale
Maxamed Warsame Darwiish, taliyaha nabad sugidda ee Kooxda Mbagathi, wuxuu dilay bokumanaan qof, wuxuu Itoobiya u dhoofiyay kumanaan kale, dagaal ooge caruurtiisa ku nool yihiin canshuurta shacabka Ingiriiska, iyagoo deggen magaalada Leicester, isaguna uu haysto dhalashada dalka Britain
16. Darwiish
Hoggaamiye kooxeedkii hore ee Jubbada Hoose, jaajuus daacad u ah Itoobiya
17. Moorgan
Salaad Cali Jeelle, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga kooxda Mbagathi, waa shakhsi aan waxna qorin waxna aqrin
18. Jeelle
Xassan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) hoggaamiye kooxeedka gobolka Baay, wasiir hore ee Kooxda Mbagathi
21. Sh/gudud
Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Somaliland. Shakhsi door ka cayaaray colaadda ka aloosan gobolka Sool iyo guud ahaan dhibaatooyinkii ay soo mareen reer Waqooyi Galbeed.
22. Cawil
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Shakhsi qeyb weyn ka qaatay soo gelitaankii Itoobiya ee Soomaaliya
23. Buubaa
Bashiir Raage Shiiraar, hoggaamiye kooxeedka waqooyiga Muqdisho, xubin ka tirsanaa Isbaheysigii Sheydaanka
24. Raage
Cumar Xaaji Massalle, shakhsigii ugu horeeyay ee Itoobiya ugu yeera in ay soo gasho gudaha Soomaaliya. Waa gacan ku dhiigle ka mas'uul ah dhimashada kumanaan qof oo Soomaali ah dagaaladii Itoobiyaanka iyo xaq u dirirka sanadihii sagaashamaadkii ku dhex maray gobolka Gedo. Cumar Xaaji wuxuu qaxooti ku yahay magaalada Leicester ee dalka Britain.
25.Masalle
 


Febraayo 2008 (Aayaha.com) Bartamihii bishii hore ee Jannaayo ayuu Aayaha.com soo bandhigay magacyada iyo sawirada 55 shakhsi oo loo arkay in ay yihiin shakhsiyaad door weyn ka cayaaray dhibaatada haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ujeedada aan usoo bandhignay shakhsiyaadkaas ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed bartaan isla markaana ogaadaan cadawgooda. Sidoo kale in shakhsiyaadka aan soo bandhignay ay dareemaan in aan la moogeyn, lana moogaan doonin dhibaatada ay u geysteen welina ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Hadaba aqristayaasha oo ka jawaabaya codsi aan u gudbinay oo ku saabsanaa in ay u codeeyaan 25ka shakhsi ee dembiyada ugu waaweyn u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaa soo gaarsiiyay Aayaha.com boqolaal farriimo email ah.

25ka shakhsi ee aad sawiradooda iyo magacyadooda ka aragtaan boggan, ayey aqristayaashu u doorteen in ay yihiin kuwa dembiyada ugu badan u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Shakhsiyaadkan ayaa sidaa daraadeed codeynta shacabka ku noqday XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED.

Shakhsiyaadkan iyaga ah iyo dhamaan kuwa kale ee ku howlan dhibaateynta iyo burburinta qaranka Soomaaliyeed ha ogaadeen in aan la moogeyn dembiyada ay galaan, la ilaawi doonin dembiyadii ay horay u galeen, la diiwaan gasho dembiyadooda, isla markaana goorey ahaataba mar uun lala xisaabtami doono.

Shacabku waa marqaati ka taga taariikh. Taariikhduna waa mid dhaxal gasha oo jiilba jiil u gudbiyo. Hadaba shakhsiyaadkan ku bahoobay XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED waa kuwo ay shacabku marqaati ka yihiin burburka ay u geysteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikhdu xusi doonto. Taariikh keliyana looga hari maayo ee kuwooda nool aduunka ayaa lagula xisaabtami doonaa hadduu Allaah idmo. Kuwooda horay u dhintayna xisaabtooda Alle weynaha caadilka ah ayey agtiisa taallaa.


MAGAC XILKA UU SHEEGTO
1. Cabdullaahi Yuusuf Axmed
2. Cali Maxamed Geeddi
3. Maxamed Qanyare Afrax
4. Cusmaan Xassan Cali (Caato)
5. Cadde Muuse Xirsi
6. Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere)
7. Muuse Suudi Yalaxow
8. Barre Aadan Shire (Hiiraale)
9. Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid)
10.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
11.Max'ed Max'uud Guuleed (Gacmadheere)
12.Cali Mahdi Maxamed
13.Axmed Cabdi Xaabsade
14.Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid)
15.Daahir Rayaale Kaahin
16.Maxamed Warsame Darwiish
17.Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)
18.Salaad Cali Jeelle
19.Maxamuud Sayid Aadan
20.Faysal Cali Waraabe
21.Xassan Maxamed Nuur (Shaati-guduud)
22.Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
23.Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)
24.Bashiir Raage Shiiraar
25.Cumar Xaaji Masalle
1.Madaxweynaha Kooxda Mbagathi
2.Ra'iisul Wasaarihii hore ee Mbagathi
3.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
4.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
5.Madaxweynaha Maamulka Puntland
6.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
7.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
8.Hoggaamiye Kooxeed (Gedo)
9.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
10.Hoggaamiye Kooxeed (Baay/Bakool)
11.Wasiir hore kooxda Mbagathi
12.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
13.Hoggaamiye Kooxeed (Sool)
14.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
15.Madaxweynaha Maamulka Somaliland
16.Madaxa Jawaasiista Itoobiya
17.Hoggaamiye Kooxeed (J/ Hoose)
18.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
19.Hoggaamiye Kooxeed (Gedo)
20.Mucaarad Somaliland
21.Hoggaamiye Kooxeed (Baay/Bakool)
22.Wasiir (Maamulka Somaliland)
23.Wasiir Hore (Kooxda Mbagathi)
24.Hoggaamiye Kooxeed (Muqdisho)
25.Hoggaamiye Kooxeed Hore (Gedo)

XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED  waa barnaamij ay dadweynuhu ku
xulayaan 25ka dagaal-ooge ee dhibaatada ugu badan u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. 
Halkan guji oo aqri barnaamijka oo dhan
BOOQO BOGGA HORE EE AAYAHA Halkaasoo aad kala socon karto barnaamijyadeennii caadiga ahaa sida wararka,
faallooyinka iyo ra'yiga. 
Halkan guji oo booqo bogga hore ee Aayaha.com
 
  Contact: editor@aayaha.com
© 2008 Aayaha.com