Aayaha.com
 

XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED!

Aayaha.com

Jannaayo 2008

Bishii lasoo dhaafay ee December 2007 ayuu boggan Aayaha.com soo bandhigay fikrad lagu baarayo aqoonta ay aqristayaashu u leeyihiin dagaal-oogayaasha mas'uulka ka ah qaran-jabka Soomaaliya.

Sawirada shakhsiyaad kamid ah dagaal-oogayaasha dembiyada ugu badan ka geystay Soomaaliya ayaannu kusoo bandhignay boggan Aayaha, kadibna aqristayaasha ayaannu ugu baaqnay in ay codkooda ku biiriyaan barnaamijka, isla markaana soo magacaabaan shakhsiyaadka ay u arkaan in ay doorka ugu weyn ka qaateen burburka dalka ka dhacay.

Boqolaal farriimmo ah ayaa soo gaaray Aayaha.com, iyadoo ay aqristayaashu soo gudbiyeen in ka badan 100 shakhsi oo ay u arkeen in ay door weyn ka qaateen qaran-jabka Soomaaliya.

Hadaba Tifaftirka Aayaha.com oo eegaya doorka ay shakhsiyaadka lasoo gudbiyay ka qaateen qaran-jabka Soomaaliya, ha noqdo qaab ciidan, qaab siyaasadeed, mid maaliyadeed iyo mid kaleba ayaa shakhsiyaadkii ay aqristayaashu soo gudbiyeen kasoo xulay 55ka shakhsi ee aad sawiradooda iyo magacyadooda ka arki kartaan bogga hore ee Aayaha.com.

Hadaba aqristow, waxaan haatan dooneynaa in aan ogaanno labaatan iyo shanta shakhsi ee aad is leedahay dembiyada ugu badan ayey ka geysteen dalka Soomaaliya. 25kaas shakhsi ayaa noqon doona XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED.

Adigoo bogga hore ka helaya sawirada iyo magacyada shakhsiyaadkan doorka weyn ka qaatay qaran-jabka dalkeena, fadlan dooro 25ka shakhsi ee aad is leedahay waa dembiilayaasha ugu waaweyn ee dhibaatada ka geystay dalka Soomaaliya, kadibna magacyada shakhsiyaadkaas aad u dooratay XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED noogu soo dir emailkeena editor@aayaha.com.

Waxaan natiijada barnaamijkan usoo gudbin doonnaa aqristayaasha 25ka Febraayo 2008 hadduu Allaah raalli ka noqdo. Hadaba aqristow adiga oo ka fogaanaya shakhsi naceyb ama nin jecleysi, balse miisaamaya dhibaatada ay shakhsiyaadkan ka geysteen dalka, fadlan inta ka horeysa 25ka Febraayo email noogu soo dir magacyada 25ka shakhsi ee aad u dooratay XULKA QARRIBKA QARANKA SOOMAALIYEED.

Fiiro Gaar ah: Haddii ay jiraan shakhsiyaad aad u aragtaan in aan ka ilownay liiskan, waxaan idinka codsaneynaa in aad noosoo gudbisaan magacyadooda si aan markaa ugu darno liiska.

Emailka aad nagala soo xiriiri kartaan waa editor@aayaha.com





 Aayaha.com  is an independent and a non-profit news and research organization. It is not related to any political organization or government.

  Contact: Mohamud Yusuf Garre  editor@Aayaha.com

© 2000-2008 Aayaha.Com. All rights reserved.